
Qoraal ka soo baxay Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in iyadoo la kaashanayo saaxibada Caalamiga ah ay hawl-gal ka fuliyeen inta u dhaxaysa deegaannada Ugunji iyo Mubaarak ee gobalka Shabeellaha Hoose.
Howl-galkan ayaa la sheegay in lagu diley in kabadan 20 ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Alshabaab halka tiro intaa ka badanna lagu dhaawacay.
“Habeenimadii Khamiista oo taariikhduna ahayd 20-ka Bisha ayaa Maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee howlgalkan lagu beegsaday waxa ay isku abaabulayeen dhul hawd ah, Sirdoonka Qaranka oo helay xogtooda ayaana iyaga oo kaashanaya Saaxiibada Caalamiga ah ka hortagay dhagarta ay la damacsanaayeen shacabka Soomaaliyeed.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay hey;adda NISA.
HALKAAN KA AQRI QORAALKA
