RW Rooble oo maanta ku wajahan magaalada Baydhaba

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta lagu wadaa in uu gaaro magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay.

Safarka Ra’iisul wasaaraha ee magaalada Baydhaba ayaa la sheegay inuu ku qotomo dhameystirka heshiiska doorasho ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada ay gaareen.

Rooble ayaa madaxda maamulka Koonfur Galbeed kala hadlaya sidii loo dedejin lahaa howlaha doorashada iyo fulintooda.

Amniga waddooyinka magaalada Baydhaba ayaa saakay aad loo adkeeyay, waxaana la dhigay wadooyinka gala garoonka diyaaradaha iyo madaxtooyada maamulka ciidamada ka tilsan milateriga Soomaaaliya, kuwaas oo laga qaaday magaalada Muqdisho.

Doorashada guud ee dalka ayaa waxaa ka dhimman qabsoomiddeeda muddo kooban sida ku cad heshiiskii ay madaxdu ka gaareen, in kastoo ay jiraan cabashooyin iyo caqabado uu durba wajahayo heshiiskaas.

Madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaan weli soo magacaabin xubnihii ku meteli lahaa guddiyada doorashada ee heer dowlad goboleed, maadaama ay ku qanci waayeen sida la tilmaamay howlaha doorasho sid ay hadda u socdaan iyo waliba guddiyada la magacaabay.

 

Leave a Reply