Hub lagu soo qabtay howlgal ka dhacay magaalada Boosaaso

Laamaha ammaanka ee Puntland, ayaa xalay howlgal waxa ay ka fuliyeen gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Hawlgalka waxa iska kaashaday Ciidamada Booliiska, PSF iyo PMPF, waxaana ujeedkiisu ahaa xaqiijinta Amniga Boosaaso, sida lagu sheegay Qoraal ka soo baxay Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Bari.

Hawlgalkaas intii uu socday, waxaa xaafada kala duwan ee magaalada Boosaaso laga uruuriyay hubka sharci-darrada ah, iyadoo bacaha madow laga fiiqay gaadiidka qaar oo isticmaalayay waddooyinka magaalada.

Magaalada Boosaaso, waxaa dhowaan lagu qaban doona doorashada xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamanka federaalka Soomaaliya, taas oo haatan diyaar-garowgeedu socdo.

Magaaladaas waxaa dhowaan booqday taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya Jeneraal Xijaar, waxuuna soo kor meeray goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka iyo ciidamada loogu talagalay sugidda amaanka doorashooyinka.

 

Leave a Reply