Xubno ka mid ah guddiga doorashada oo dalbaday in la fasaxo kuraasta la xayiray

Xubno ka tirsan guddiga doorashooyinka heer federal ayaa soo saaray qoraal ay ku fasaxayaan afar kursi oo natiijadii doorshadooda horay loo diiday, kuwaas oo uu ku jiro Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

Xubnaha warqadaan ku saxiixan oo gaaraya ugu yaraan 12 qof oo ka tirsan guddiga doorashooyinka ayaa fariintooda ku socodsiiyey laba xoghaye ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka, iyagoo ku wargeliyey in feylasha xubnahaas ay u soo gudbi doonaan.

Kuraasta ay xubnahaan fasaxeen ayaa kala ah, HOP103, HOP154 iyo HOP204, oo Koonfur Galbeed laga soo doortay iyo HOP086 oo HirShabeelle laga soo doortay, isla markaana uu ku fadhiyo Fahad Yaasiin.

Xubnaha ka tirsan guddiga ee qoraalkaan soo saaray waxay sheegeen in maanta ay isugu yimaadeen kulan ay isaga wareysteen kuraastaan, isla markaana ay soo xaqiijiyeen in aysan jirin wax dacwo ah oo ka furan guddiga xalinta khilaafaadka ama loo gudbiyey madasha wadatashiga qaran.

Sababta ay u qaadeen tallaabooyinkaas waxay ku sheegeen inay dib u eegeen xaalada guud ee dalka, isla markaana ay dareemeen in baahi badan loo qabo doorasho ku dhacda jawi nabdoon iyo isla ogol.

Hoos ka eeg liiska xubnaha ku saxiixan warqadaan

Leave a Reply