Xoghayihii Shaqaalaha Mareykanka oo is Casilay

Muqdisho-soomaali24-Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald trump ayaa jimcihii sheegay in xoghayihiisii shaqaalaha uu xilka ka dagayo kadib markii lagu eedeeyay in sanadkii 2008’dii heshiis lagalay hantiilaha Jeffrey Epstein.

Xogahayaha ayaa loo haystaa in uu heshiis lagalay Mr Epstein oo lagu eedeeyay in uu xad gudub galmood u gaystay tobonaan gabdhood oo aan qaan gaar ahayn.

Mr Acosta ayaa is casilaadiisa ku dhawaaqay iyadoona dhinaciisa uu taagan yahay madaxwaynaha mareykanka Donald Trump.

“waan necbahay in aan waxaan oo kale arko” ayuu yiri Trump isagoona intaasi sii raaciyay in uusan waydiisan Mr Acosta in uu xilka dago.

Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald ayaa ku xigeenkii xoghayaha shaqaalaha Patrick Pizzella xilkaasi ugu magacaabay si ku meel gaar ah.

Xoghayaha xilka ka dagay ayaa katirsanaa golaha wasiirada ee madaxwayne Trump tan iyo sanadkii 2017’dii.

Leave a Reply