XOG- Sarkaal Sare oo Mahad Salaad ka gudbiyay Arin Culus lana wadaagay M/W Xasan Shiikh iyo Sirta Dilka Gen Farxaan Qaroole…

Xaaladu waa adagtahay dhanka digniinaha iyo qataha jira xilli uu qaranku waayay geesi muhiim u ahaay dagaalka Aragagixisada lagula jiro. Gen Farxaan Allah ha u naxatiistee, waxaana maalin kadib dilkiisa soo baxay xog culus oo xambaarsan arimo weyn oo dul hoganaya taliyaha nisa Mahad Salaad, fariin la gaarsiiyay madaxweyne Xasan iyo feel jignaanta saraakiisha laga rabo.

Korneyl Cabdalla Daahir ugaas Kornel Cabdullahi Dheere oo ah taliyaha dabagalka NISA muddana saaxiib la soo ahaa Farmaajo iyo Fahad ayaa xog culus u gudbiyay madaxweyne Xasan oo uu hadda la yahay saaxiib dhaw oo ay is xog dhaafsadaan.

Sarkaalkan ayaa tacsi uu ka diray geerida Gen Farxaan kadib waxaa uu xubnaha ugu dhaw ee sirdoonka NISA kala tirsan uu u sheegay in taliye Mahad Salaad uu kadhaga adeeygay digniin uu gaarsiiyay kuna aadan xaalado qatar ah islamarkaana uu sidaas oo kale madaxweyne Xasan Shiikh u gudbiyay xog xasaasi ah.

Cabdullahi Dheere waxa uu si cad u shaaciyay in taliyaha NISA Mahad Salaad uu dayacaad weyn sameeyay isaguna uu la wadaagay digniin ku aadan xaaladda amniga saraakisha, ayna tahay wax aad looga xumaado in agaasimihii hey’adda wixii jira ee loo sheego uusan waxba ka qabaneynin.

Mahad Salaad oo xilka NISA la wareegay kadib doorashadii madaxweyne Xasan Shiikh waxa uu wajahayaa culeys adag iyo eedeeymo la xiriira inuu dayacayo amniga saraakiisha.

 

Taliyaha dabagalka NISA Korneel Cabdullahi Dheere ayaa sidoo kale xubnaha ku dhaw kula dardaarmay in ay aad u feeljignaadaan isagoo u muujiyay digniin ah in ay wali jirto qatar lamid ah tii Farxaan Qaroole lagu dilay iyo xaalad ka darnaan karto.

 

Muqdisho iyo gobolada ay ugu horeeyaan Hiiraan iyo Shabeelooyinka waxaa laga dareemayaa guluf aad u xooggan oo dagaal balse waxaa bar bar socda laba arin waa tan koowaade qaabka saxda ah ee hogaanka dagaalka loo wajahayo iyo qatarta argagaxisada ay u maleegayaan saraakiisha ciidamada ugu muhiimsan iyo nabadoonada beelaha.

Dhinaca kale xogaha laga helay Korneel Cabdullahi dheere waxay sheegayaan inuu saaxiib dhaw la yahay hadda madaxweyne Xasan Shiikh, isagoo kulamadii ugu danbeeyay ee ay yeesheena kula wadaagay digniino xoog leh balse aan banaanka la keenin, iyadoona uu intaasi ku daray in Shabaab aan maalmo kooban looga adkaan karin loona baahan yahay in la dejiyo aragti fog.

Taliye Cabdullahi Dheere oo kamid ah shaqsiyaadka fara ku tiriska ah ee ugu xog helka badan NISA horayna ugu dhawaa madaxdii hore ayaa hadda sida muuqato wuxuu aad uga xumaaday tilaabooyinka aan ka fiirsiga lahayn ee Mahad Salaad ku dhaqaaqayo iyo dayacaad muuqata oo amniga ah.

Tan iyo markii dowladda Xasan Shiikh xilka la wareegtay taliska kaliya ee ciidmada la bedelay waa kan NISA, waana meesha hadda isha lagu wada hayo ee dhaliisha loo jeedinayo.

Dilka Gen Qaroole Allah ha u naxariistee dad kale oo badan ayaa ka sukow Korneel Cabdullahi ka tacsiyeeyay, iyadoo maanta lagu aasay Muqdisho.

Leave a Reply