XOG-Nabad sugidda Soomaaliya oo sadex garab noqotay, iyo Digniin Amni oo taagan

Iyadoo doorasho mareyso heer geba gebo ah waxaa soo baxaya digniino xagga amniga, waxaana jira warar sheegaya in aad looga cabsi qabo weeraro ka dhaca Muqdisho iyo magaalooyin kale.

Dayaca amni ee jira waxaa ugu wacan sida xogaha rasmiga ah lagu helay in saraakiisha nabad sugidda Soomaaliya ay noqdeen sadex garab, dhibaato weyna ay sidaasi ku tahay dalka iyo dadka.

Xubno ka tirsan saraakiisha waayo joogga ee NISA lana yaaban xaaladda ay nabad sugidda ku jirto ayaa u sheegay warbaahinta in sadexda garab ay saraakiisha u kala jabeen yihiin, qeyb Farmaajo raacsan, qeyb kale oo Rooble la safan iyo qeyb gooni u taagan oo dhex dhexaad ah.

Saraakiil ay kamid yihiin taliyaha dabagalka ahna madaxa Mukhaabaraadka Cabdullahi Dheere, ahna xubin halis badan sida dadka yaqaana ay sheegaan iyo Fahmo oo ah madaxa sirdoonka ee Magareeshinka ayaa u horeeya kuwa aan dhinacna raacin ee dhex dhexaadka ah.

Sidoo kale xogta waxay sheegeysaa in qebyta Famaaja garabkiisa ah ay kamid yihiin Saraakiil lagu kala magacaabo Yaasiin Fareey oo si kmg ah hey’adda uga taliya, Cabaas ,Liibaan daahir ,Asma oo ah madaxa qorshaynta, Khadar oo Taliyaha Airaporka ah, iyo Aways oo ahmadaxa Howlagalinta dabagalka.

Dhanka Rooble Saraakiisha la sheegay in ay la safanyihiin waxaa kamid ah, Xamdi oo dhanka baarista joogtay, Abdiqani oo kamid ah saraakisha sare ee Airporta, iyo Cilmi oo ahTaliyaha Sirdonka gobolka.

Saraakiisha aan labada dhinac ee khikaafkoodu fogaaday midna raacsaneyn ee uu kamid Cabdullahi Dheere kamid yahay ayaa la kulmay caqabado badan, iyagoona qaarkood shaqada joojiyay qeybihii ay ka lahaayeen.

Cabdullahi Dheere ayaa sanadkii tagay dabaqaayadiisi waxaa uu ka badbaaday isku dil, kaasi la tilmaamay in lagu khaarijin lahaa, ninkan oo isaguna la sheegay inuu yahay mid khatar badan ayaa xilligan wajahaya Imtixaan siyaasadeysan oo dhanka amniga ah.

Farmaajo iyo Rooble ayaa khikaafka ka dhaxeeya mudada sanadka ku dhaw waxaa uu saameynta ugu badan ku yeeshay laba dhinac, waa doorashada iyo amniga.

Sadexda garab ee NISA u kala jabsantahay xilligan marka laga soo tago, waxaa kale oo xusid in sanadkan saraakiishii ugu badnaa ee Sirdoon iyo ciidamada kaleba leh ay isugu tageen baarlamaanka cusub, halkaasi oo dadku ka dhowrayaan natiijada ka soo baxda.

Leave a Reply