XOG-MUHIIM AH -Wadooyinka Muqdisho oo la furaayo iyo goobo gaar ah oo la xirayo

Muqdisho-Soomaali24-Wasiirka Amniga Xukuumada soomaaliya Maxamed abuukar islow oo wareesi siiyay tvga universal ayaa waxa uu ka hadlay wadooyinka xiran ee magaalada muqdisho iyo arimo badan oo amniga quseeya.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in maalmaha soo socda dhagaxaanta ku xiran qaar ka mid ah wadooyinka muqdisho loo durkin dono dhanka wadada wadnaha iyo warshadaha .

Waxa uu sheegay in inta ay xirnayaan wadoyinkaan la baajiyay qaraxyo waa weyn oo ka dhici jireen wadada maka almukrama .

Dhanka kale wasiir islow ayaa waxa uu soo hadal qaaday weerarkii ciidamo katirsan dowladda ay ku qadaadeen sanadkii 2017 guri uu maagalada muqdisho ka daganyahay siyaasiga  abdiraxmaan abdi shakuur oo aad u dhaliila dowladda soomaaliya

Weerarakaas oo ay ku geeriyowdeen askar ilaalo u  aheed siyaasiga isagana uu dhaawac ka soo gaaray.

 

 

Leave a Reply