
Muqdisho-Soomaali24-R/wasaaraha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Bardaale ee G/Baay Ee Maamulka Koonfur galbeed Soomaliya.
Dad badan reer Bardaale ah ayaa Xasan Cali kheire ku soodhaweeyay Banaanka Dagmadaasi.
Waxana Safarka R/wasaaraha ku wehlinaya Xildhibano wasiiro iyo masuuliyiin kale oo dowladda Soomaaliya katirsan.
Kheire ayaa u kuurgalaya xaaladda dadkii ay saameeyeen roobabkii ka da”ay deegaanadaasi.