Wax ka ogoow sababaha keenay inay kordhaan qaraxyada iyo weerarada ka dhaca Muqdisho.

Waxaa si weyn u kordhay bilihii ugu danbeeyay falalka amni darro ee caasimadda Muqdsiho, iyadoo Alshabaab ay kordhisay weerarrada isugu jira qaraxyada iyo khaarijinta dadka.

Qaraxyada waaweyn ee is-miidaaminta, kuwa gawaarida lagu dhejiyo, gawaarida qaraxyada laga buuxiyo ee la dhigo goobo gaara iyo miinooyinka dhulka lagu aaso ama la dhigo ayaa noqday kuwo si weyn u kordhay oo maalin kasta ay marti geliso magaalada Muqdisho, waxaana ku dhintay dad boqolaal ah iyo dhaawacyo aan tiro lahayn.

Dad badan ayaa is weydiinaya sababta keentay inay sidan aan hore loo arag u kordhaan qaraxyada iyo falalka amni darro, iyadoo ciidamada dowladda la sii kordhiyey, dadaalka ugu jiraan inay sugaan amniga Muqdisho oo xilligan gaaray heer ay ku dhiiran waayaan madaxda dowladda iyo hay’adaha amniga inay xitaa ka hadlaan.

Ilaa shan qodon ayaa loo aaneynaa inay sabab u yihiin kororka weerarrada Alshabaab ee sii kordhay iyo wax qabasho la’aanta ciidamada amniga, waxayna kala yihiin.

1- Alshabaab oo ujeedo ka leh kordhinta weerarrada, siiba inuu qas siyaasadeed ka abuuro dowladda Soomaaliya, si isbedelo loo sameeyo; kaasoo keenta isku dhac ku yimaada dadaallada la wado ee dhismaha ciidamada.

2- Alshabaab oo qalab qarxa iyo dagaalyahanno fara badan soo gelisay magaalada Muqdisho, ujeedkuna yahay inay cabsi iyo argagax weyn lagu abuurto dadka.

3- In Madax ka tirsan Alshabaab lagu dilay weerarradii cirka ee Mareykanka oo ay wadaan falal aargoosi ah.

4- In nidaamkii sirdoon iyo xog raadis ee dowladda Soomaaliya howlgab noqday, kadib muddo 7 bilood ah oo aysan NISA lahayn agaasime.

5- In lagu dhex milmay Ciidamada kala duwan ee dowladda oo Alshabaab ay ka dhex adeegato ahy’adaha amniga dadna ku dhex yeelatay.

Arrimahan oo dhan iyo kuwo kale waxay soo saareen su’aalo badan oo la iska weydiinayo xaaladda amniga Muqdisho, iyadoo dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha amniga aysan heyni wax jawaab ah.

Ma jirto cid aan ahayn Alshabaab oo loo aaneyn karo qaraxayda ka socda Muqdisho ilaa caddeyn rasmi ah la helo, waxaana weerar kasta ka muuqda faraha Alshabaab oo muddo 10 sano ah waday weeerarrada noocan oo kale ah.

Leave a Reply

%d bloggers like this: