Wasaaradda caafimaadka oo soo bandhigtay kiisas cusub oo COVID-19 ah

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa soo saartay warbixinteedi maalin-laha aheyd ee cudurka COVID-19, waxeyna ku shaacisay kiisas hor leh oo ah covid-19.

Warbixinta wasaaradda ayaa lagu sheegay in dalka 24-kii saac ee lasoo dhaafay laga diiwaan geliyay 47-kiis oo laga kala helay Somaliland 28, Banaadir 9, Puntland 5,iyo Jubbland oo laga diiwan geliyay shan xaaladood.

Sidoo kale warbixinta wasaaradda waxaa lagu shaaciyay in 1-qof uu  saacadihii u dambeeyay u geeriyooday xanuunkaas, halka 13 kalena ay kasoo bogsadeen.

38 kamid ah dadka maanta laga helay xanuunka waa rag, halka 9-ka kale ay dumar yihiin.

Tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus gudaha Soomaaliya ayaa gaartay 2,023 xaladood, 361 qofood ayaa kasoo bogsatay, halka inta la ogyahay ay u geeriyootay 79 ruux.

Leave a Reply