Wasaaradda Amniga oo galabta qaaday koobka kubadda cagta ee hey’adaha DF

Waxaa galabta magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay KOOB kubadda Cagta ah oo ay cayaareen dhamaan hey’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Koobkaan oo galabta la cayaaray kulankiisii kama dambeynta ahaa ayaa waxaa uu dhex maray Wasaaradda Amniga gudaha iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Cayaartooyda Wasaaradda Amniga ayaa ku guuleystay inay Koobka qaadaan, kadib markii ay 3-2 uga adkaatay Kooxdii Ciidanka Booliska Soomaaliya u dheeleysay.

Gaba-gabadii cayaarta kadib Munaasabad kooban oo lagu qabtay garoonkii ay cayaartu ka dhacday, waxaa bilado iyo haddiyado qaali ah la gudoonsiiyay Cayaartooyda iyo Maamulkii soo abaabulay koobka hey’adaha Dowladda Soomaaliya.

 

Leave a Reply