Wafdi Uu Hoggaaminayo Madaxweynihii Hore Ee Koonfur Afrika Oo Soo Gaaray Muqdisho

Muqdisho-soomaali24-Madaxweynihii hore ee dalka Koofur Afrika Thabo Mbeki iyo Guddi sare oo uu hoggaaminayo oo ka tirsan Ururka Midowga Afrika ayaa ka soo dagay Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa kusoo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin waxa ay ku salka ku heyso imaatinka Wafdiga uu hoggaaminayo Thabo Mbeki ee Muqdisho, ayaa waxa la sheegay in uu Nairobi kula soo kulmay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyaata iyo mas’uuliyiin kale, waxaana la sheegay in uu kala hadlay arimaha geeska Afrika iyo muranka dhinaca Badda ah ee ka dhexeeya Soo maaliya iyo Kenya.

Thabo Mbeki oo hoggaminaya wafdiga maanta soogaaray Muqdisho ayaa ah madaxa guddiga fulinta heshiiskii Suudaan iyo Koonfurta Suudaan, Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa haatan kulamo la leh wafdiga waxaana lagu wadaa in saacadaha nasoo aadan ay dowladdu ka hadasho imaatinka Wafdigaas.

 

 

 

Leave a Reply