Turkiga oo la soo wareegay qaybtii ugu horeesay gantaalo uu ka iibsaday Ruushka

Muqdisho-soomaali24-Wasaarada difaaca ee dalka Turkiga ayaa sheegtay in ay lasoo wareegeen qaybtii ugu horeesay gantaalo ay dhawaan ka iibsadeen Ruushka.

Markab sida gantaalada difaaca cirka S-400 ayaa jimcihii gaaray saldhiga cirka ee ku yaalada magaalada  Ankara sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay wasaarada gaashaandhigga.

Lasoo wareegitaanka hubkan ayaa caragalin doona Mareykanka oo horay uga digay in Turkiga uu Ruushku ka iibsado gantaalada casriga ah ee S-400.

Mareykanka horay u  sheegay in aysan suuragal ahayn in Turkigu uu isku helo gantaalada difaaca cirka S-400 iyo diyaaradaha dagaalka uu Mareykanku farsameeyo ee F-35.

Inkastoo Turkiga iyo Mareykanka labaduba ay kawada tirsan yihiin ururka Nato haddana Turkiga ayaa xiriir dhaw laleh dowlada Ruushka.

Kusimaha Xoghayaha difaaca Mareykanka ayaa jimcihii sheegay in Mareykanku uusan badali doonin go’aankii uu horay kaga qaatay dowlada Turkiga.

Leave a Reply