Taliye sare oo lagu dhaawacay Magaalada Boosaaso

Muqdisho-Soomaali24-Dableey hubeysan ayaa maanta oo jimce ah Taliye ciidan ku dhaawacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Col. Cumar Warsame Ciise oo aha Taliyaha Saldhiga Booliiska Nuur Salaad ee magaalada Boosaaso ayaa la dhaawacay xilli uu Salaaddii jimcaha ka soo baxay Masjidka Faadumo ee magaalada Boosaaso.

Taliyaha ayaa la sheegay in dhaawac culus uu ka soo gaaray rasaatii ay dableydu ku fureen waxaana sidoo kale weerarka ku dhaawacmay qof shacab ah oo ka ag dhowaa halka weerarku ka dhacay.

Dableeydii weerarka geystay ayaa goobta ka baxsaday iyadoo halkaas ay laamaha Amniga ka sameeyeen hawlgal kadib weerarka.

Leave a Reply