Soomaaliya iyo Yemen oo dhibanayaal u noqday xad gudub caalami ah

Warbixin ay soo saartay hey’adda caalamiga ah ee la socoshada kalluumaysiga ee (GFW) ayaa lagu shaaciyay in wadamada  Soomaaliya iyo Yemen ay yihiin halka ay ka dhacaan howlgallada kalluumeysiga sharci darrada ah ee ugu weyn caalamka.

Sida xogtan ay tibaaxayso tan iyo markii uu curtay sanadkan 2020-ka ilaa 200 oo maraakiib ah oo laga leeyahay dalka Iran ayaa si sharci daro ah howlgallo kaluumaysi oo sharciga baalmarsan waxaa ay ka sameeyeen biyaha Soomaaliya iyo Yemen.

Hey’adda (GFW) ayaa cadeydaysay in dowladda Soomaaliya la wadaagtay warbixin ku saabsan sirdoonka kalluumaysiga. Warbixinta waxaa sidoo kale lala wadaagay dowladaha ay quseyso, iyada oo loo marayo guddiga Badweynta Hindiya oo magaciisa loo soo gaabiyo (IOTC) iyo Fish-i Africa.

Warbixintu waxay daaha ka rogaysaa kalluumeysiga sharci darrada ah ee sida baahsan uga socda biyaha Soomaaliya, isla markaana taariikh ahaan xiriirka la leh dhibaatooyinka burcad-badeednimadii ka jirtay Soomaaliya.

Maraakiibta kalluumeysiga ee gobolka ayaa dhowaan bilaabay inay adeegsadaan nidaamka aqoonsi ee otomaatig ah (AIS).

Si hoose, ayaa loo ogaaday in maraakiib baddan oo reer Iran ah, inay si balaaran uga hawlgalaan aagagga dhaqaale ee gaarka ah ee dalalka Soomaaliya iyo Yemen (EEZs), iyo dhinaca badaha sare ee ku xiga.

Qaybo yar oo ka mid ah maraakiibta ku goosha calanka Hindiya, Pakistan iyo Srilanka ayaa sidoo kale lagu aqoonsaday aagaggan.

“Gobolku wuxuu wajahayaa caqabado waa weyn oo la xiriira sidii loo gaari lahaa maamul maareynta Badweynta. Soomaaliya iyo Yemen labadaba waxaa ku yaraaday awoodooda amniga badaha, iyadoo ay wiiqeen daganaansho la’aan iyo dagaal sokeeye, taas oo biyahooda ka dhigaysa mid aan la soo sheegin kalluumeysiga aan sharciyeysnayn,”ayaa lagu yiri warbixinta.

Badda Soomaaliya kheyraadka ku jira ayaa waxaa si sharci daro ah uga faa’idaysta Maraakiib kalluumaysi oo wadamo badan ka kala yimaada, kuwaas oo la sheego inay u badanyihiin kuwa Iran.

Leave a Reply