SIR CULUS- Maxaa sababay in Farmaajo uu aqbalo inuu ku laabto Teendhada?

Muqdisho ayaa u muuqata in ay dagaal ka badbaaday, Muddo kordhintii baarlamaankaa lagu aasayaa, dilalkii qorsheysnaa oo socon waayay, Farmaajana waa mid sii galbanaya oo maalmuhu ku adkaadeen, garabkiisii midig ayuu sabab sanayaa.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa aad u cakirneyd xaaladda Soomaaliya ee ka dhalatay doorashada taas oo gaartay dagaal Muqdisho ka dhaca iyo weeraro lagu qaaday xubnaha mucaaradka ah.

Farmaajo oo muddo kordhin laba sano ah ku dhufsaday horaantii bishaan April ayay dantu bidday in teendhada Afisyooni iyo doorashadii dadbaneyd uu ku laabto, markii uu Fil-kiisi madoobaa, Kornel Cabdalla Daahir Cabdullahi Dheere uu ka waayay garabkii uu ka filayey.

Cabdullahi Dheere, oo ku magacaaban taliyaha dabagalka siyaasiyiinta ee NISA ayaa saaxiibada xukunka ee Fahad iyo Farmaajo kala shaqeynayay weerarada iyo qorshayaasha hoose ee lagu shirqoolayo siyaasiyiinta, haddana isaga ayaa ah dhabar jabka ugu weyn ee soo afjaray rajadii muddo kordhinta.

Weeraro ay saaxiibadan isku dhaarsadeen maalmo kahor iyo mu’aamaraad si adag loogu diyaariyay in lagu maasheeyo mucaaradka ayaa socon weysay, markii Cabdullahi Dheere oo sidoo kale Maxamuud Dheere loo yaqaan uu cadaadis kala kulmay Maraykanka iyo CID-da oo uu xubin ka yahay, kadib markii kooxda farmaajo ka fakatey sir ah in CIA kalashaqeyneyso soo afjarida mucaaradka.

Sarkaalkan ayaa ciidamadii sida gaarka ah u hoostagayay ee dharcadda ahaa intooda badan shaqada laga joojiyay, lagana dhigay hubkii,

Tilaabadaasna waxay ku timid cadaadiska Maraykanka oo ogaaday dagaalka lagu qaaday mucaaradka in ninkaan u xilsaarnaa, isagoo ugu dambeyn helay fariimo canaan iyo shaqo ka joojin ah, waxaana uu Farmaajo toos ugu diray fariinta ah in isagu aanu ka qeyb qaadan karin dagaalka, uuna la dhacsan yahay aragtida Ra’iisla wasaare Rooble ee doorashada dad ban, nabadana la qaadanayo.

Saacadihii hore ee talaadadii waxaa Farmaajo uu Muqdisho keenay askar badan oo gobolada ku maqnaa, kadib markuu arkay in kumanaankii lagu tashanayay ee ka amar qaadanayay Cabdullahi Dheere ay wadi waayeen howsha, oo uu fashilmay weerarkii la qorsheeyay habeenkii Isniinta ee talaadada soo galeysay, iyadoona uu Farmaajo aad uga carooday.

Sarkaalkan ayaa lasheegey in uu ka badbaadey shirqool khaarajin ah oo larumeysanyahay in uu ka danbeeyey xafiiska madaxweynaha, saraakiil xog ogaal ah oo aan lahadalney ayaa sheegey in laga cabsi qabo sarkaalkan in uu u wareego dhanka mucaaradka ah isago taas MD Farmaajo u arko khatar aad u weyn oo horseedi karta burburka ololihiisa doorashada.

Korneel Cabdalla oo hadda ku jira 13 maalmood oo shaqo joojin ku soo rogtey CIA ayaa lafahamsanyahay in uu haayo malafka sirta Farmaako waxaana loogu yeeraa fileka mafow.

Xigasho: Tebiye News

Leave a Reply