sidee bay uga jawaabeen hey’adaha amnigu Su’aalihii ay weydiiyeen xildhibaanadu? (AQRISO)

Aqalka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta su’aalo weydiiyey hey’adaha amniga dalka Soomaaliya ka dib markii mudooyinkii la soo dhaafay ay sii xumaanaysay xaaladda amni ee magaalada muqdisho.

Taliye ku xegeenka hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ahna ku simaha Taliyaha hey’adda Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka mid ahaa xubnaha manta hor yimid Golaha Shacabka si wax looga weydiiyo xaaladda amni ee dalka Soomaaliya.

Fahad Yaasiin oo dad badani aamin san yihiin inuu yahay nin awood xooggan ku leh maamulka Soomaaliya lagu tilmaamo inuu yahay hoggaamiyaha ruuxiga ah ee daaha gadaashiisa ka maamula dalka ayaa xildhibaanadu weydiiyeen su’aalo badan oo la xidhiidha amniga dalka gaar ahaan shaqada hey’adda uu madaxda ka yahay ee NISA.

Inkastoo ay saxaafaddu dibad joog ka ahayd kulanka haddana wararka la helay ayaa tibaaxaya in Fahad uu san si hufan uga jawaabin dhamaan su’aalihii la weydiiyey taa bedelkeedana uu su’aalihii la weydiiyey jawaabahooda ku riixay masuuliyiinta Wasaarado iyo Hey’ado kale halka su’aalaha qaarkoodna uu si cad u diiday inuu ka jawaabo.

Ku-simaha Taliyaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka carooday su’aal uu weydiiyey xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka, isagoo ugu hanjabay inuu dacwad ku soo oogayo, sharcigana la tiigsanayo.

Xildhibaan Zakariye Gaashaan ayaa fadhigii su’aalo weydiinta ee maanta oo ay ku sugnaayeen xubo uu ka mid yahay ku-simaha Agaasimaha Hay’adda NISA, si toos ah u weydiiyey Fahad Yaasiin arrimo ku saabsan Hay’adda hoggaaanka NISA xiriir la leeyahay Alshabaab iyo sababtii xilka looga eryay taliye ku xigeenkii NISA Cabdalla Cabdalla oo sheegay in Alshabaab ku dhex milmeen hoggaanka NISA, taasoo keentay in jawaab culus uu bixiyo Fahad Yaasiin.

Waxaa uu ka dalbaday Guddoonka Baarlamaanka inuu raalligelin ka bixiyo isla waqtigaasi haddii kale uu qaadanayo xaqa qaanuuniga ah uu leeyahay oo ah inuu dacwad ku soo oogo, wuxuuna xildhibaannada u sheegay in sababta saxaafadda loo dalbaday in laga xiro kulanka ay ahayd in arrimahaas oo kale ay dhici karaan.

“Waxaa ii muuqata Hay’adda Nabadsugida in la xurmo dareeyay in golihii dhexdiisa in su’aal noocaan la isku dhex weydiiyo.., Aniga shaqsiyan aanan u qalmin taas… hadalkaas wuxuu gef ku yahay hea’adda Nabadsugida iyo shaqsiyan aniga, waxaa codsanayaa Xildhibaanka inuu cudurdaar ka bixiyo, haddii kale xaqa qaanuuniga aan leeyahay ayaa qaadanayaa” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Ku-simaha Agaasimaha NISA ayaa difaacay xilka eryidii Jen. Cabdalla Cabdalla oo uu sheegay inuu bixiyey sir qaran, ayna arrintiisa go’aan ka gaareen Guddi anshax, sidaasina xilka looga qaaday.

Xildhibaan Zakariye Gaashaan ayaa dhinaca kale diiday inuu raaligelin ka bixiyo su’aashii uu weydiiyey Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin, wuxuuna sheegay in laga rabo inuu ka jawaabo su’aasha oo aanu ka guban xaqiiqadana caddeeyo.

Leave a Reply

%d bloggers like this: