Shirkadda Diyaaradaha Ingiriiska oo joojisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Qaahira.

Muqdisho-soomaali24-Shirkadda Duulimaadka Ingiriiska ee British Airways ayaa joojisay duulimaadyadeedii ay ku tagi jirtay magaaladda Qaahira ee Caasimadda Masar muddo Todobaad ah, arrimo amni awgood.

Rakaabkii Diyaaradda ee ka bixi lahaa Magaaladda London ayaa loo sheegay in duuli maadyadii Qaahira la joojiyay islamarkaana aysan jirin wax lagu badalayo muddo hal isbuuc ah.

Shirkadda duulimaadka ma aysan bixin faah-faahin rasmi ah oo ku aadan waxa ay tahay arrinta amniga ee duulimadyadda loo baajiyay.

Afhayeen u hadlay Garoonka Diyaaradaha ee magaaladda Qaahira ayaa BBC-da u sheegay in weli aysan British Airways ku war gelin wax isbadal ah.

Afhayeenka British Airways ayaa dhankiisa waxaa uu sheegay in ay hadda dib u eegis ku sameynayaan amniga dhamaan garoonadda dunida islamarkaana ay joojiyeen duulimaadyadii Qaahira Todobo cishe si ay usameeyaan qiimeyn dheeri ah.

Sidoo kale Sabtigii Diyaarad laga leeyahay Jarmalka ayaa joojisay Duulimaadyadeedii Qaahira.

Leave a Reply