Shirka maanta hoggaamiyeyaasha Soomaaliya uga furmay xerada Afisyooni ee magaalada Muqdisho

 

Madaxweynaha DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa furay shirka hordhaca u ah shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka

.

Shirkan maanta furmay ayaa waxaa goobjoog ka ah Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohamed Hussein Roble, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen, Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Shirka ayaa lagu dhammeystirayaa dadaalladii iyo wadaxaajoodyadii arrimaha doorashooyinka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir iyo hirgalinta hishiikii 17 Sep iyo qodobadii ka soo baxay shirkii Guddiga Farsamada ee Baydhabo.

Madaxweynaha DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa furay shirka hordhaca u ah shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka.

Shirkan maanta furmay ayaa waxaa goobjoog ka ah Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohamed Hussein Roble, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen, Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Shirka ayaa lagu dhammeystirayaa dadaalladii iyo wadaxaajoodyadii arrimaha doorashooyinka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir iyo hirgalinta hishiikii 17 Sep iyo qodobadii ka soo baxay shirkii Guddiga Farsamada ee Baydhabo.

———

Leave a Reply