shariif xasan shiikh aadan oo Nairobi ka wada abaabul siyaasadeed oo dowladda ka dhan ah.

madaxweynihii hore ee maamulka koofur galbeed oo door weyn olalaha shirkii maalmihii lasoo dhaafay ugu socday nairobi mucaaradka dowladda, iyo shirka maamul gobaleedyada.

shariif xasan oo aan saaxadda siyaasadda lugu arkin kadib markuu xilkiisa ku waayey cadaadis uga yimin Villa somaliya, ayaa kasoo muuqday kulan ka dhacay nairobi oo la sheegay inuu asagu hormuud ka yahay kulankaas.

siyaasiyiin badan oo mucaarad ku ah dowladda uu hoggaaminayo madaxweyne farmaajo iyo xildhibaanno ka tirsan laba aqal ee baarlamaanka oo laga soo doorto deegaanada koofur galbeed ayuu la yeeshay kulankaas shariif xasan shiikh aadan.

waxaana kulanka intiisa badan looga hadlay sidii loogu cadaadin lahaa madaxda dowladda soomaaliya in aysan samaysan muddo kororsi iyo sidoo kale inay xildhibaanada kulanka kasoo qayb galay door weyn ka qaataan sidii loo ridi lahaa xukuumadda khayrre.

 

Leave a Reply