Sawirro: Lafta Gareen oo ka hadalay sababta uu u yimid Muqdisho

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wafdiga uu horkacayo Madaxweyne Lafta Gareen ayaawaxaa garoonka diyaaraha magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya iyo qeybaha bulshada rayidka ah.

Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, iyagoo ka wadahadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka dalka.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle ayaa horay u joogay Muqdisho, kuwaas oo maalmo ka hor soo gaaray, waxaya weli ku suganyihiin Muqdisho iyagoo kulamo ka wada.

Dhanka kale Madaxweyne Lafta Gareen waxa uu sheegay inta uu joogo Muqdisho in uu dowladda dhexe la kaashan doono sidii wax looga qaban lahaa fatahaadaha wabiga Shabeelle uu ka geystay gobolka Shabeellada Hoose, haba ugu darnaatee degmada Afgooye oo inta badan qoysaskii deganaa ay biyuhu ka bara-kiciyeen.

Leave a Reply