SAWIRRO-DHAGEYSO -Ciidamada Puntland oo qaraxyo ku qabtay Magaalada Boosaaso ee gobolka bari.

MUQDISHO-SOOMAALI24-Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Bari ee maamul goboleedka Galmudug  oo kaashanaya Ciidanka PSF ayaa xalay fashiliyay Qarax nooca dhulka la geliyaa oo ay aasayeen kooxo looga shakisanyahay Al-shabaab iyo Daacish.

Qaraxaas oo la doonayay in lagu aaso bartamaha Magaalada Boosaaso ayaa ciidamadu ku guulaysteen in ay gacanta ku dhigaan ka hor intaan la aasin balse waxa goobta ka baxsaday Kooxdii Qarax wadday.

Qoraal ka soo baxay Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Bari ayaa lagu sheegay in kooxdii Qarax sidday oo looga shakisanyahay Al-shabaab iyo Daacish ay goobta ka baxsadeen balse gacanta lagu dhigay Gaarigii ay wateen.

Taliska ayaa sidoo kale sheegay in ay wadaan baaritaan ku aaddan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa  raggii watay Qaraxa iyo Gaariga oo Magaalada ku dhex fakaday kadib markii la fashiliyay Qorshahoodii.

Leave a Reply