SAWIRRO dad badan oo caawa lagu dilay Dagmada Kaxda

Muqdisho-Soomaali24-Koox hubaysan ayaa caawa weerar ku qaaday goob Biibito ah oo ku taalla degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay ku sugnaayeen dad dhalinyaro u badnaa.

Inta la xaqiijiyay 4 ruux ayaa geeriyootay tiro intaas ka badana dhaawacyo ayaa soo gaaray, kadib markii koox u abaabulan qaab Qabiil ay soo weerartay goob maqaaxi ah oo dad badan ay ku sugnaayeen.

Mushtaaq Cabdullahi Xaashi,ayaa kamid ah dhalinyarada caawa lagu dilay degmada Kahda.

Qaar ka mid ehelada dadka caawa la dilay ayaa u sheegay inay tuhunsanyihiin in dadkaan looga aar gudayay wadaad caan ka ahaa degmada Kaxda oo xalay lagu dilay degmadaas, sidoo kalana lagu dhaawacay labo wiil oo uu dhalay.

Wadaadka ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray isga iyo labo wiil oo uu dhalay rasaas ay xalay ku furtay dabley hubaysan, waxuuna ka mid ahaa guddiga dhismaha waddo hal-bowle u ah degmadaas oo la dhisayo.

Leave a Reply