Salaad Cali Jeelle oo eed u jeediyay xubnaha mucaaradka ah ee ku shiray Kenya

Lataliyha Madaxweynaha Soomaaliya ee  dhanka siyaasada Salaad Cali Jeele oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay shirkii Shalay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay ku yeesheen Xubnaha mucaaradka ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya.

Salaad Cali Jeele ayaa waxaa uu sheegay in shirkii Nairobi uu ahaa mid lagu duminayo dowladda  Soomaaliya, islamarkaana beesha caalamka la tusayay in soomaaliya ay dib u laabatay oo aan wax  ka jirin sida ay wax u sheegeen.

Sidoo kale Salaad Cali Jeele ayaa waxaa uu mucaaradka ku eedeeyay in ay fowdo ku wadaan dowladda, islamarkaana waxaa uu shacabka  ugu baaqay  in ay ka shaqeeyaan Midnimada soomaliyeed , isgoona ka dalbaday in ay iska ilaaliyeen kooxaha Argagixisada ah waa sida uu hadalka u dhigay.

Leave a Reply

%d bloggers like this: