Saciid Dani oo qiray in xukuumadisa ay ka danbeesay Eryidii Dhoobo-Dareed

Muqdisho-Soomali24-Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Puntland  oo xalay  Marti ku ahaa Madasha La-hadalka Bulshada ayaa la weydiiyay su’aal la xiriirtay in Xukuumaddiisu ay dabada ka riixaysay, Mooshinkii Baarlamanka Puntland ay xilka uga qaadeen Dhawaan  Guddoomiyihii Golaha Wakiilada Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhooba-daareed.

Dani  oo ka jawaabaya su’aashaasi, ayaa sheegay in si kasta oo  saamayn loogu yeesho Baarlamanka, haddana go’aanka kama dambaysata ah ee xilka looga qaaday Guddoomiyihii Golaha Wakiilada Puntland uu ahaa mid ay gaareen mudanayaasha Baarlamanka oo aysan wehelin cid ka tirsan Xukuumadda.

 

Madaxweynaha Puntland  ayaa sheegay in xildhibaannada Baarlamanka Puntland, iyagoo miyir-qaba oo aan cidina khasbin, ay go’aansadeen in ay xilka ka qaadaan Guddoomiye Dhooba-daareed, islamarkaana ay u mareen Nidaamkii saxda ahaa, kadib markii ay cod gacan-taag ah xilka uga xayuubiyeen.

 

Balse, madaxweynaha ayaa si sarbeeban u qiray in Xukuumaddiisu ay dabada ka riixaysay xilka qaadista Guddoomiyihii Baarlamanka Cabdixakiin Xaaji Maxamed, inkastoo uu xusay in aan xildhibaannada cidina khasbin.

Leave a Reply