Sababaha keenay inuu iscasilo Wasiirka warfaafinta soomaaliya Daahir maxamuud geelle.(aqriso)

Wasiirka warfaafinta XFS iscasilaadiisu waxay kusoo beegantay xilli Villa somaliya culays badan oo siyaasadeed oo aad u xooggan oo kaga imaanaya mucaaradka ka soo hor jeeda dowladda, iyo beesha caalamka oo u dhega nuglaatay waxaana suuragala inay iscasilaan xubna kale oo ka tirsan xukuumadda raysulwaare khayrre.

daahir maxamuud geelle oo goor dhow ku dhawaaqay iscasilaadiisa ayaa sabab uga dhigay kala feker duwanaansho asaga iyo raysulwasaaraha iyo madaxweynaha.

Xog hoose oo aan helnay ayaa sheegaysa in wasiirku bilihii lasoo dhaafayba kasoo horjeeday sida ay wax u wadaan madaxda sare ee qaranku hawla badan oo ka wasiir ahaan loogu xilsaarayna uu ka dhega adaygay asagoo yiri xilka waa layga qaadi karaa laakiin sumcadda laygama dili karo.

sidoo kale wasiirka iyo dowladda ayaa isku khilaafay cabburinta saxaafadda madaxa bannaan 15 kii april shir uu wasiirku isugu yeeray wariyayaasha ka shaqeeya saxaafadda ayuuna ku ballan qaaday inuusan marnaba aqbali doonin cabburinta saxaafadda.

Leave a Reply

%d bloggers like this: