Raisulwasaaraha Soomaaliya oo maanta ku wajahan Magaalada dhuusamareeb

Muqdisho-Soomaali24-Raisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheere ayaa maanta waxaa la sheegayaa in uu ku wajahanyahay Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug.

 

Kheere ayaa waxaa safarkaan ku wehliya  xildhibaano katirsan Dowladda wasiiro iyo masuuliyiin kale Waxana uu safarkaan salka ku hayaa  in xal laga gaaro qilaaf Markale soo kala dhexgalay Guddiga Doorashada Galmudug Iyo Culimada Ahlusuna.

 

Gudiga soodhweynta Kheere oo aan lahadlnay ayaa inoo sheegay in kheere uu so gaaraayo Dhuusamareeb galinka danbe ee maanta.Dadweyne farabadana uu kula hadli doono garoonka ciyaaraha ee Dhusamareeb.

 

Xasan Cali Kheere ayaa qorsheenaayo sida la sheegaayo  in uu ku qanciyo ahluusna in  dib ugu labaabato liiska  Xildhibanada ay soo saartay  6 ka mid ah halka ahlusuna ay ka biya diidantahay in ay dib ugu noqoto xildhibanada ay soo magacowday tiro ahaana garaya 20 xubnood.

 

Ahlusuna ayaa dhawaan waxa ay soo magacowday 2o ka mid ah Xildhibanada Galmudug ay ku yeelanayso taa oo markale iyada iyo Dowladda uu soo kala dhegalay qilaaf .

 

Warqad  isla  tudabaadkii tagay ka soo baxday gudiga farsamada Maamul Dhisada Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in 89ka xildhibaan ee galmudug laga qaadi doono imtixaan balse ahlusuna ayaa taa ka hortimid iyada oo gabi ahaana sheegtay in aysan aqoonsaneen guddiga farsamada Maamul dhisada galmudug Dowladda Soomaaliyana ay magacowday .

Leave a Reply