Qof walba oo fashiliya dadaalka socda, wuxuu magan u noqon doonaa taariikh madoow,

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Xuseen Guuleed ayaa qoraal uu bartiisa facebook soo dhigay wuxuu uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalku marayo, waxa uuna hadalkiisa ku billaabay sidan.

 

Waxaan xoojinaya dadaallada xalka loogu raadinaayo doorashadda 2021. Waa muhiim in aan la dayicin fursadda maanta taala Teendhada  Afisyooni.

Daawada Soomaaliya u baahantahay maanta waa doorasho xasiloon, xukunka oo nabad loogu tartamo, nabad la isugu wareejiyo iyo in wadajir loogu adeeggo dalka iyo dadka.

Madaxweynaha muddo xilleedku ka dhammaday iyo Dowlad Gobolleedyadu waa iney ku dadaalan iney ka miro dhaliyaan wadahadallada socda, fashalka iyo niyad-jabka jirana meesha ka saaran, si loo sii amba qaado Dowlad-dhiska socda iyo dimuqraadiyada.

Qof walba oo fashiliya dadaalka socda, wuxuu magan u noqon doonaa taariikh madoow, wuxuuna shacabka ugu suntanaan doonaa dhinaca xun.

Waxaan ku baaqaya in la aado jihada tanaasulka, si dalku uga baxo xayiraada siyaasadeed, mida dhaqaale iyo walbahaarka shacabka.

Leave a Reply