QM oo cambaaraysay qaraxii ka dhacay Kismaayo

Muqdisho-soomaali24-Xoghayaha guud ee Jimciyadda Qaruumaha ka dhaxeysa, António Guterres,ayaa

cambaareeyay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen Hotel ku yaalla Magaalada Kismaayo.

Afhayeenka xoghayaha guud, Stephene Dujarric, ayaa sheegay in Guterres uu canbaareynayo weerarkii ay ku naf weyeen dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, isgoo tacsi tiiraanyo leh u dirayo Qoysaska kuwa naftooda ku waayay weerarka wuxuuna u rajeeyay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo kabtaan waxyeelladii ka soo gaartay halkaas.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres, ayaa sheegay in ay Qaramada Midoobey ay Bulshada Soomaaliyeed u hayso taageera buuxda , una rajeynayso mustaqbal nabad ah.

 

Leave a Reply