Mooshin” cusub oo xilka looga qaadayo raysulwasaare Xasan cali khayrre.

xildhibaanno ku shiray magaalada muqdisho ayaa la sheegay inay mooshin cusub ka diyaariyeen raysulwasaare khayrre, sidoo kalana ay hor geyn doonaan golaha shacabka.

mooshinkaan oo ka duwan kuwii hore ayaa waxaa dabada ka riixaya dowlado dagaalka hoose kula jira xakuumadda uu hoggaaminayo xasan cali khayrre, ayadoo xildhibaanada loo ballan qaaday lacago badan haddii ay fuliyaan qorshaha lugu ridayo raysulwasaaraha soomaaliya.

Madaxweynaha soomaaliya maxamed cabdullaahi farmaajo ayaa wali diiday iscasilaada raysulwasaare khayrre ayadoo beesha caalamku ay kordhisay cadaadiska ay ku hayso Villa somaliya.

xaaladda madaxtooyada soomaaliya ayaa kacsan kadib markii madaxweyne farmaajo loo hanjabay hadduu aqbali waayo is casilaada khayrre in xildhibaanada golaha shacabku asaga xilka ka qaadi doonaan.

madaxweyne farmaajo ayaa ka dalbaday beesha caalamka in fursad kale la siiyo si isbeddal loogu sameeyo xukuumadda sidoo kale raysulwasaare khayrre ayaa isku shaandhayn ka wada golihiisa wasiirada.

dowladda soomaaliya ayaa diyaar u ah inay mucaaradku wax ku yeeshaan golaha wasiirada maadaama ujeedada ugu weyn ee mucaaradku tahay inay xukuumadda kasoo dhex muuqdaan.

sidoo kale xildhibaanada mooshinka ka wado raysulwasaare khayrre oo taageera xoogle helay ayaa guddoomiyaha baarlamanka maxamed mursal ugu hanjabay hadduu mooshinka ka qaban waayo inay asaga laftiisa xilka ka qaadayaan.

xiisadda ka dhex aloosan baarlamaanka soomaaliya oo qaybsamay garab mucaarada iyo garab difaacaya dowladda ayaa laga dareemayaa magaalada muqdisho.

Leave a Reply

%d bloggers like this: