Markab ku caariyey dekedda Boosaaso.

Sida ay cadeynayaan wararka laga helayo magaalada Boosaaso, waxaa Dekeda agagaarkeeda ku caariyey Markab wada Sibir/Shamiito kaas oo u rarna ganacsato SOomaaliyeed.

Markabkan ayaa shalay laga saaray dekeda si u soo xirto markab kale oo Xoolo qaadi lahaa, markii ay dhamaatay shaqadasna saaka laysku dayay in Markabkii Shamiitada lasoo galiyo, balse uu caariyey.

Dadaalo lagu badbaadinayo ayaa hadda socda, Dekedan DP WORLD ayaa lagu wareejiyey sannado ka hor, waxaana 2dii sanno ee u dambeysay xirmay dhamaan marinada muhiimka ahaa ee Maraakiibtu kasoo xiran lahaayeen.

Leave a Reply