Mahad salaad:~ Farmaajo shacabka ha hor yimaado cidna ka yeelimayso inuu dhuuntee!

xildhibaan mahad salaad oo ka hadlayey arrimaha kenya iyo Somalia iyo kiiska badda soomaaliya ee yaalla maxkamadda caalamigaa ee ICJ ayaa yiri.

Madaxweyne Farmaajo cid ka aqrisanaysa in uu dhuunto majirto ee inta Ummadda hor yimaado ha u sheego waxa uu Kenya kula heshiiyay!

Warsaxaafadeedka galabta ka soo kala baxay Madaxtooyada iyo Wasaarada Arrimaha Dibeda Kenya waxa lagu sheegay in labada Madaxweyne Soomaaliya iyo Kenya Farmaajo iyo Uhuru ku heshiiyeen in arinta dacwada Badda ee taala Maxkamadda Cadaalada Adduunka (ICJ) lagu xaliyo hab labada dhinac wada oggolyihiin.

Taasoo micnaheedu yahay in dacwada Badda la soo celiyo kadibna wada hadal lagu xaliyo.

Haddaba, waan aragnay mowqifka rasmiga ah ee dowlada Kenya waxaan ka codsanaynaa Madaxweyne Farmaajo in uu Ummadda hor yimaado runtana ka sheego waxa dowlada Kenya uu kula heshiiyay. Arintaan waa arin masiiri ah oo qaranimada Soomaaliya taabanaysa, mana jirto cid ka aqrisanaysa Madaxweynaha inta qolkiisa hoosta ka xirto in aamusnaan iyo dhuumasho uu Ummadda ku siro!

Hon. Mahad Salad

xildhibaan Mahad salaad oo ka hadlayey arrimaha Kenya iyo Somalia iyo kiiska badda soomaaliya ee yaalla maxkamadda caalamigaa ee ICJ ayaa yiri.

 

Leave a Reply