MADAXWEYNE SHIIKH SHARIIF WAXAAN KA CABSI QABAA CIIDANKA NABAD SUGIDDA DOWLADDU DHISAYSO!

Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd ee soomaaliya shiikh SHARIIF sheekh axmed ahna guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran ayaa sheegay in khatar wayn ay ka soo socoto ciidan ay qorayso nabad sugida oo ay dhisayso dowladda uu madaxweynaha ka yahay FARMAAJO.

shiikh Shariif ayaa sheegay in ciidankan cusub uu yahay ciidan qoritaankiisa laga qariyay xitaa taliyayaasha ciidanka taas beddalkeedana si gaara loogu xilsaaray qoritaanka ciidankan nabad sugida uu fahad yaasiin hoggaamiyo.

sidoo kale wuxuu sheegay in ciidankan tababarkooda loo diro labo dowladood oo kaliya

ciidan habeen madow la qorayo oo nabad sugidi qorayso waligay ma arkin aniga maalinkii aan wax gartay ciidanka waxaa loo qori jiray hab layiraa rigo oo qofkii toosan oo dheer iinna aan lahayn laga qaato  ka dibna imtixaan laga qaado qofkii ku guulaystana la qaato qofkii kalana guriga hooyadiis ayuu aadi jiray ayuu yiri shiikh shariif.

 

muxuu yahay ciidanka nabad sugiddu qorayso oo laga qarinayo taliyayaasha ciidankaas ma umalaynayo in loo samaynayo inay amni sugaan waxaa la rabaa inay qabtaan wax kuwo ka horreeyay ay ku fashilmeen mana aqbalayno arrintaas ayuu yiri shiikh Sharif

 

 

Leave a Reply