Madaxweyne Lafta Gareen oo bedelay xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa xilkii ka qaaday laba ka mid ah golihiisa wasiirrada, isaga oo magacaabay xubno kale.

Lafta Gareen ayaa bedelay wasiirkii wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda, isagoo xilkaas u magacaabay Aweys Cismaan Xuseen.

Sidoo kale wareegtadan waxaa loogu magacaabay Faadumo Cismaan Cumar wasiirka wasaaradda haweenka, arrimaha qoyska iyo xuquuqul insaanka.

Ma jiraan wax faahfaahin intaas dheer oo ku xusan wareegtan kasoo baxday xafiiska madaxweyne Lafta Gareen ee lagu bedelay xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada.

Leave a Reply