Madaxweyne Farmaajo maka Faa’ideystay taageeradii shacabka Soomaaliyeed u muujiyeen markii la doortay (Faallo).

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la doortay 08 February ee sanadkii 2017 xilligaas oo uu doorashada kaga guuleystay Madaxweynihii asaga ka horreeyey ee Xasan Sheikh Maxamuud.

Inkastoo dadka qaar ay aamin san yihiin in doorashadaas lafteedu aysan ahayn mid xalaal ah oo laaluush fara badan uu hareeyey ololihii doorashada oo madaxweyne farmaajo uu qayb ka ahaa haddana waxaan la iska indha tiri karin sidii shacabka Soomaaliyeed ay u taageereen in Farmaajo uu dalka madaxweyne ka noqdo ayagoo u arkayey kan ugu mudan qabashada kursiga dalka ugu sarreeya guud ahaan murashixiintii xilka u ordayey 2017 isla markaana ugu xil hayey wax qabad la taaban karo oo uu muujiyey markii uu Raysal wasaaraha ahaa sanadkii 2011 ayaa malaayiin soomaali ah oo ku sugan dalka iyo dibaddiisa waxa ay u muujiyeen taageeradii ugu badnayd ee loo muujiyo madaxweyne soo maray dalka Soomaaliya.

Hadda labo sano ka dib doorashadiisii oo madaxweyne Farmaajo uu dalka maamulayey ayaa waxaa muuqata caqabado xooggan oo ka hor imaanaya dawladiisa ayadoo in badan oo shacabka ka mid ahna ay haatan u muuqdaan kuwo ka qaatay dareen kii hore ee soo dhaweynta ahaa ka duwan.

Haddaba su’aasha la is weydiin karo ayaa ah maka faa’idaystay Madaxweyne Farmaajo taageeradii faraha badnayd ee ay u muujiyeen shacabka soomaaliyeed markii la doortay?

Marka si taxadar leh loo eego wax qabadka Dawladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ee labadii sano ee la soo dhaafay, wax yaabaha looga fadhiyo inay qabato, caqabadaha ku gudban xilligan iyo waqtiga u haray oo kooban waxaan ku soo koobay sidan:

Waxqabka labadii sano ee la soo djaafay.

  1. Dib u habayn lagu sameeyey maamulka maalyadda.

Labadii sano ee la soo dhaafay Dawladda Soomaaliya waxay wax muuqda ka qabatay nadaamka maalyadda oo dib u habayn lagu sameeyey in kastoo weli ay jiraan dhaliilo loo tiirinayo habka loo maareeyey oo dadka qaar ay aamin san yihiin inuusan ahayn sidii ugu fiicnayd ayna weli jirto musuq-maasuq iyo wax is daba marin.

2.Soo deynta maxaabiis Soomaaliyeed.

Waxaa laga soo daayey xabsiyada qaar ka mid ah wadamada caalamka maxaabiis Soomaaliyeed oo ay dhibaato ku haysatay arintaas oo ah mid aad loo bogaadiyey isla markaana ay ammaan ku mutaysatay dawladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo.

Waxyaabaha laga gaabiyey in la qabto.

  1. Wax ka qabashada amniga dalka iyo la dagaallanka Al-shabaab.

Arinta amnigu waa tan ugu muhiimsan ee laga filayey madaxweyne Farmaajo inuu wax ka qabto marka dib loo eego ballan qaadkiisii ololaha doorashada iyo rajadii shacabka ee uu ku mutaystay taageerada badan waana dhibaatada ugu weyn ee haysata shacabka soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool caasimadda iyo guud ahaan koofurta iyo bartamaha Soomaaliya waxaana muuqata inuu madaxweyne Farmaajo iyo maamulkiisu ay ku guul-darraysteen wax ka qabashada arintaasi.

Ururka Al-shabaab ayaa ah kan qatarta ugu badan ku haya amniga dalka iyo dadka Soomaalliyeed waxaana laga filayey madaxweyne farmaajo inuu horseed ka noqdo la dagaallanka kooxdan balse ma jirto ilaa hadda tillaab muuqata oo la qaaday.

Dadka qaar ayaa aamin san iska daa in wax laga qabtee inay dib u soo xaageysteen labadii sano ee la soo dhaafay marka la eego falalka ay ka geysteen caasimadda Muqdisho, Sidoo kale xeel dheerayaasha arimaha amniga ayaa sheegaya inay ku dhex milmeen laamaha amniga udub dhexaadka u ah in kastoo aan arintaas caddayn buuxda weli loo haynin.

  1. Dib u dhiska ciidamada qaybahooda kala duwan.

Markii aan eegno dhinaca dhismaha ciidamada iyo hawl gelintooda waxaa muuqata inuu gaabis weyn ka jiro oo aan wax sidaas ah laga qaban qaarkoodna hoos u dhac ku yimid oo ay ka sii hoos mareen halkii ay dawladii hore geysay.

Qaybaha ciidamada oo kala ah Milatari, Nabad-sugid, Boolis iyo Asluub ayaa waxaa muuqda inay weli yihiin kuwo la daalaa dhacaya hoggaan xomo, hawl gelin la’aan iyo dhaqaalo darro waana arinta salka u ah fashilka amni ee maanta jira.

Hey’adda Nabad sugidda oo gundhig u ah amniga dalka ayaa u muuqata hadda mid aad u wiiqan tay tabartooda, aqoontooda iyo hawl galkoodaba waana hey’adda ugu weyn ee looga shakisan yahay in ay Al-shabaabku ku dhex milmeen ama ugu yaraan saamayn ku yeesheen hawlahooda shaqo.

Sidoo kale waxaa xagal daaciyey hey’addaan ka dib markii lagu dhafay ciidamada kale ee Milatariga iyo Booliska dalka ka tirsanaa kuwaa oo ay tababar ahaan iyo hawl gal ahaanba kala duwanyihiin.

Haddii aan eegno dhanka milatariga ayaa ayagana loo arkaa kuwo gaabis badan ku yimid shaqadooda maadaama dhawr jeer is bedel lagu sameeyey hoggaankooda taa oo loo arkayo wax aan loo baahnayn isla markaana hoos u dhigtay hawlgalladii dalka looga saari lahaa Al-shabaab.

Booliska qudhiisa ayaa asagana dhibaatadu dhankiisa ka haysataa isbedelada hoggaanka iyo isku dhex yaaca amarada taliyeyaasha heer gobol iyo heer federaal sida dadka u dhuun daloola hawlaha booliska soomaaliya.

Waqtiga iyo waxyaabaha la rabo in la qabto.

Waqtiga harsan, waxyaabaha la rabo in la qabto iyo caqabadaha ku gudban dawlada uu hoggaamiyo Farmaajo waa kuwa aan isku dhigmin oo aad u kala mug weyn.

Dawladda hadda jirta waxaa u dhiman waqti ku siman 20 bilood ama sanad iyo sideed bilood waxaana looga fadhiyaa inay wax ka qabato dhibaatada amniga iyo inay doorasho dalka ka dhacdo 2020 ayadoo la wada ogsoon yahay caqabadaha maanta jira oo haddii aan xal loo helin ay adag tahay in arimaha aan kor ku xusnay la meel mariyo.

Ugu danbayn adigu aqriste ka jawaab su’aasha ah madaxweyne Farmaajo maka faa’idaystay taageeradii shacabka soomaaliyeed ay u muujiyeen markii la doortay?

Leave a Reply

%d bloggers like this: