Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada Dowladda Puntland

Muqdisho-Soomaali24-Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada Dowladda Puntland .

Garoowe: 16, May 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 43 ee 16ka May, 2020, ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiidsa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Maxamed Cabdirashiid Cali loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a Reply