Madaxweynaha oo Xukuumadda faray in ay gurmad u fidiso dadka ku dhaawacmay Weerarkii Kismaayo

Muqdisho-soomaali24-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey weerarkii qaraxa ku bilaawday ee ka dhacay magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu Caafimaad u rajeynayo dadka dhaawacyadu ay ka soo gaareen weerarkaas isagoona Xukuumadda Federaalka faray in si degdeg ah ay gurmad caafimaad ugu fidiso dadka ay culus tahay xaaladdooda caafimaad.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Weerarkan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa faray hay’adaha ammaanka heer Federaal ee ku sugan Jubbaland iyo kuwa heer dowlad Goboleed in ay sare u qaadan feejignaantooda oo ay sugaan amniga, sidoo kale bulshada Jubbaland ayuu ugu baaqay in ay xoojiyaan midnimadooda iyo wadajirkooda, siina joogteeyaan la shaqeynta laamaha ammaanka, si loo xaqiijiyo amniga guud ee deegaannada oo ay ku soo food leedahay doorashada Madaxtinimo ee Jubbaland.

Leave a Reply