Maamulka Gobolka Banaadir oo Dadkii lahaay ku wareejiyey Guri ka maqnaay 28-Sano

Muqdisho-soomaali24-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdirixmaan Cumar Cusmaan Yarisow ayaa maanta

Luul Maxamed Axmed (Luul Digriyow) kuwareejiyey guri la sheegay in ay lahayd oo laga haystay muddo 28 sano ah.

Yarisow ayaa tilmaamay in dadkii degenaa gurigan ee diiday inay baneeyaan sharciga la horgeyneyo ayna xabsi muteysanayaan, isla markaana lagu soo dalacayo kiro 28 sano ah.

“Waad u jeedaan maanta Luul Maxamed Axmed oo muddo 28 sano laga heystay gurigeeda, Dadkii degenaay oo diidanaa inay u baneeyaana aan u sheegnay inaan sharciga horgeyneyno oo ay xabsi muteysanayaan iyo inaan ku soo dalaceyno kiro 28 sano ah hadii aysan degdeg uga bixin, tasoo suurto gelisay inaan maanta ku wareejino Luul gurigeeda” ayuu yiri Guddoomiye Yariisow.

Luul Maxamed Axmed oo ah Haweeneyda la sheegay in ay leedahay guriga ayaa uga mahadcelisay Maamulka Gobolka  iyo Hey’adaha Garsoorka gacanta ay ka geysteen dib hanashada Gurigeeda oo ay sheegtay in uu ka maqnaay muddo 28 sano ah.

Leave a Reply