Liverpool oo ku tilmaantay wax aan la qaadan karin habkii ay u damaashaadeen taageerayaasheedu

Kooxda Liverpool ayaa cambaaraysay hab-dhaqanka qaar ka mid ah taageerayaasheeda oo iskugu soo baxay badhtamaha magaalada markii kooxdu ku guulaysatay horyaalka Ingiriiska, waxaanay kooxdu falalka taageerayaashaa ku tilmaantay “wax aan la qaadan karin”.

Kumanaan taageerayaasha kooxda ah ayaa dab ka oogay badhtamaha magaalada rashna ridayey iyagoo u damaashaadaya guusha ay kooxdu ku hanatay koobka muddo soddon sano ah ka dib, waxaanay arintaasi keentay in kooxaha dabdemisku dabkii ay shideen bakhtiiyaan.

Duqa magaalada Liverpool, Joe Anderson, ayaa sheegay in wixii dhacay “sumcad darro ku yahay magaalada iyo kooxda kubadda cagta ee Liverpool labadaba”.

Kooxda Liverpool ayaa warbixin ay si wada jir ah u soo saareen iyada booliska magaalada iyo dawladda hoose ku tidhi “magaaladeena waxa haysta duruufo caafimaad falalka noocaas ahina waa wax aan la qaadan karin”.

Warbixintu waxay intaa ku dartay “weli waxa jirta halis ah in uu fayraska korona soo laba kaclayn karo oo uu jiro waxaana dhamaanteen ina wada saaran in aynu u dhaqano si aynaan u dhaawicin guulihii lagu gaadhay xayiraadaha caafimaad. Marka duruufuhu saamaxaan ayaan qaban qaabin doonnaa fantasiye dadkoo dhami ka qayb geli doonaan”.

Leave a Reply