Kuleyl Daran oo ku dhuftay Canada iyo Mareykanka.

Muqdisho-soomaali24-Cimilo aad u kulul ayaa ku dhufatay qaybo ka mid ah Mareykanka, iyadoo heer-kulkuna uu gaaray meeshii ugu sarreeysay, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Saadaasha cimiladda.

Mowjadaha kuleyl-ka waxay saameyn karaan dad gaaraya 200 oo million oo ku kala nool magaalooyin-ka waaweyn, sida New York, Washington, iyo Boston.

Meelaha qaar, heer-kulka ayaa waxaa uu gaaaray 38 darajadda Selsiyaas. Qaybo ka mid ah Canada ayaaa sidoo kale kuleylku waxaa uu gaaray meel sare, 40 Darajadda Selsiyaas ah ayuu gaaray, sida ay sheegeen Masuuliyiinta Saadaasha cimiladda.

Qubaradda ayaa kuleylka badan waxay la xiriirinayaan isbadalka cimiladda.

Aduunyadda oo dhan ayaa Bishii June ee Sanadkaan waxay u ahayd tii ugu kululeyd waxaana cel-celis ahaan uu kuleyka Aduunku gaaray 16.4 Darajo.

Qaybo ka mid ah Dalalka Mareykanka iyo Canada ayaa looga dhawaaqay xaalad deg-deg ah waxaana dadka loo sheegay sida ay u dhaqmayaan marka ay guriga joogaan iyo marka ay dibadda u baxaan.

Leave a Reply