Ku dhowaad 10 ruux oo xanuun aan la garan ugu geeriyootay Sh/Dhexe

Muqdisho-soomaali24-In ka badan 10 qof oo xanuun aan wali la garan uu ku haleelay Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa maanta la keenay Magaalada Muqdisho waxaana la geeyay Cusbitaal xaaladooda lagu baarayo.

Ugu yaraan 7 qof ayaa Arbacadii iyo Khamiistii Xanuunka ugu geeriyooday dhulka baadiyaha ah ee hoostaga Tuuladda Gamboole. Dadka dhintay waxaa la sheegay in ay isugu jireen Wayeel iyo caruur.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in xanuunka oo wax sababay aan la ogeyn uu dadka ku qabtay astaamo isku mid ah.

Calaamadaha waxaa ka mid ah qofka oo dhuuntu xiranto, kadibna mataga islamarkaana dhimanaya.

Dadka maanta lakeenay Muqdisho ayaa Tiradooda waxaa lagu sheegay 13 qof.

Maxamed Cabdi Cilmi oo ka mid ah Dadkii gurmadka u fidiyay bukaanka ayaa sheegay in dadka xanuunku haleelay aysan helin gurmad deg-deg ah, balse goor dambe gawaari loo diray si ay kuwa xanuunsan Muqdisho u keenaan.

Majiraan wax loo aaneynayo xanuunka ka dilaacay deegaano ka tirsan Shabeellada Dhexe.

Leave a Reply