Ku dhawaad 10 ruux oo ku Dhimatay labo Weerar oo Ka dhacay Pakistan.

Muqdisho-soomaali24-Ugu yaraan sideed ruux ayaa dhimatay halka inkabadan 30 kalana ay dhaawacmeen kadib labo weerar oo ka dhacday magaalada Dera Ismail Khan, ee ku taalla waqooyi galbeed dalka Pakistan.

Rag hubaysan oo mootooyin sita ayaa weerarka koowaad ku qaaday xarun ay ciidamada boolisku ku leeyihiin galbeedka magaalada halkaasi oo ay ku dhinteen labo kamid ah ciidamada booliska.

Weerarka labaad ayaa ahaa mid ay is qarxisay haweenay kadib markii la’isku dayay in meedadka askarta dhimatay loo qaado isbitaal ay leedahay dowlada.

Taliyaha booliska Saleem Riaz, ayaa sheegay in weerarka labaad oo ahaa ismiidaamintu ay ku dhinteen labo kamid ciidamada booliska iyo afar ruux oo shacab ah.

Ugu yaraan 30 ruux oo kale ayaa weerarka ku dhaawacantay.

Koox hubaysan oo xiriir laleh ururka Taliban ayaa sheegatay masuuliyada weerarka iyagoona sheegtay in ay dileen taliyihii booliska ee magaalada Dera Ismail Khan.

Sidoo kale warsaxaafadeed ay soo saareen ayay ku sheegeen in ruuxa is qarxiyay uu ahaa nin lagu magacaabo Abu Obaida Ghazi halka booliskana ay ku sheegeen in ruuxa is qarxiyay ay ahayd haweenay.

Leave a Reply