
Kooxda Liverpool ayaa xalay garoonka ay ku ciyaarto ee Anfeild ku marti galisay dhigeeda Arsenal kulan katirsanaa horyaalka wadanka Ingiriiska.
Kulankan oo ahaa mid aad u xiisa badan ayaa kooxda koobkani difaacanaysa waxa ay goolal gaaraya sadax iyo hal (3-1) kaga adkaatay dhigeeda Arsenal.
Kooxda Liverpool oo marti loo ahaa ayaa goolka lagala hor maray balse kahor inta aan la’aadin qaybtii hore ee nasiinada ayaa Liverpool usuura gashay in ay labo gool layimaadaan halka qaybtii labaadna gool sadaxaad ay keensadeen, taas oo Liverpool usuura galisay guusha ay ka gaartay kooxda Arsenal.