Khudbad: Deni oo si rasmi ah u qaadacay shirkii uu iclaamiyey Farmaajo

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo xalay hadal ka jeediyay munaasabad lagu xusayey 1-da Luuliyo oo ka dhacday waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa ka hadlay mowqifka Puntland ee siyaasada dalka, isaga oo sheegey in uu ku shaqeynayo go’aannadii ka soo baxay baarlamanka Puntland.

Baarlamaanka Puntland ayaa maalin ka hor waxay ay soo saareen 13 qodob, oo mid ka mid uu ahaa in Madaxweynaha Puntland ka baaqsado shirka Madaxweyne Farmaajo iclaamiyey, kadib markii sida ay sheegeen Golaha Shacabka uu is dhexgeliyiyey doorashada 2020 iyo metelaada gobolka Banaadir.

Sidoo kale Deni ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in uu iska hor keenayo xildhibaanadii soo doortay, si ay dib ugu dhacdo doorashada dalka.

“Ifafalaaha socdo waxaa moodaa in la baab’inayo Aqalkii Sare, in la baabi’inayo Federaalka, in la marooqsanayo taladii dalka, waa u yara egtahay wixii dimoqraadiyadii Soomaaliya 1969 lagu maja xaabiyay, dadka Soomaaliyeed dib dambe aysan ugu dhicin qalad” ayuu yiri Deni.

Baarlamanka Puntland oo 29-kii June kulan ku yeeshay magaalada Garowe ayaa sheegey in Puntland qaadaneyso tallaabo kasta oo ay ku ilaalineyno jiritaankeeda.

Hadalladan xurgufta leh ee kasoo yeeraya mas’uuliyiinta golayaasha fulinta iyo sharci dejinta Puntland waxay imanayaan xilli ay Muqdisho markii ugu horeysay metelaad 13 xubnood ah ka heshay golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka dalka, taas oo bilaawgii todobaadkan ay ansixiyeen xildhibanada golaha shacabka Soomaaliya.

Hoos ka Daawo

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qeybgalay caawa Munaasabadda Xuska 1-da Luulyo oo ah Sanad guurada 60-aad ee Xoriyadda iyo Midowga Soomaaliyeed.

Posted by Dabaraani Media Inc on Tuesday, June 30, 2020

Leave a Reply