Kasaaraha Weerarkii Kismaayo oo sii kor dhaya

Kismaayo-soomaali24-Hey’adaha amaanka Jubbaland ayaa sheegay in ay soo afjareen weerar Qarax ku bilaawday oo shalay gabal dhicii lagu qaaday Hotel lagu magacaabo Cascasey oo ku yaala bartamaha magaalada Kismaayo xarunta KMG ee maamulka Jubbaland.

Weerarka oo toos uga socday Hotelkaas in ka badan 12-saacadood ayaa waxaa ka dhashay khasaare badan oo soo gaaray Hotelkii iyo dadkii daganaaba, dhimashada ayaa kor u dhafeysa 10 ruux, halka in ka badan 50 ruux oo dhaawaca la gaarsiiyey Isbitaalada magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa Booqday dadka dhaawacyada ah ee la gaarsiiyey Isbitaalada magaalada Kismaayo.

Dadka ku dhintay weerarkaas ayaa waxaa ka mid ah Weriyaal caan ah oo ay kamid tahay Gabar Weriye ah oo lagu magacaabi jiray Hodan Naaleeye iyo Seygeedii  oo dhowaan ka wada yimid dalka Canada, Hodan ayaa la sheegay in ay dalka ka samey jirtay Barnaamijyo tixane ah, sidoo kale dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ah nin Musharax ahaay oo lagu magacaabi jiray Xildhibaan Shuuriye, Nin Ajanabi ah oo u dhashay dalka Shiinaha ayaa ka mid ah dadka ku dhintay weerarka, sidoo kale Weriyaal, Siyaasiyiin iyo madax Hey’ado ka howlgala dalka ayaa ku jiray dadkii ku dhintay weerarkii lagu qaaday Hotel ku yaala magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

 

Leave a Reply