Kadib geeridii Floyd cayaartoyda Liverpool oo sawir fariin ah diray

Ka dib geeridii uu ku dhex dhintay saldhig boolis oo ku yaalla magaalada Minneapolis ninka Mareykan Madow ahaa oo lagu magacaabi jiray George Flyod, ayaa ciyaartoyga kooxda Liverpool bartamaha garoon-kooda Anfield ku soo bandhigeen sawir fariin taageero ah oo ay gudbinayaan.

Sawirku wuxu muujinyaa 29 ciyaartoyga kooxda ah oo iyaga oo jilib qura dhulka wada saaray goobada dhexe ku waregsan, waxaana hoosta looga qoray sawirka erayda ah “Midnimadu waa xoog. ‘BlackLivesMatter”.

Sida wararku tibaaxeen waxay cayaartoydu codsadeen in sawirkaas laga qaado, iyaga oo tabobar ku jira Isniintii.

Dhanka kale waxay iyaguna taageero u muujiyey mudaharaadada dunida ka dhacaya ee lidka ku ah midab takoorka, cayaartoyga u safta kooxda Manchester United ee Paul Pogba iyo Marcus Rashford.

Leave a Reply