
Deegaan lagu magacaabo Naqdhabiijo oo ka tirsan gobolka Togdheer ee Somaliland waxaa caawa ka dhacay fal aad looga naxay, kadib markii Hooyo ka mid aheyd dadka deegaankaas ay guriga ku gubtay afar caruur ah oo ay dhashay.
Laba kamid ah afartaas caruurta ah oo walaalo ahaa ayaa geeriyootay, halka labada kalena dhaawacooda loola cararay isbitaallada magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
Dadka ku nool deegaanka uu falkaasi ka dhacay ee Naqdhabiijo ayaa warbaahinta u sheegay in hooyadaas ay mar qura dab qabad siiday gurigeeda oo caruurtii ay ku jiraan, markii lagu soo baxana waxaa dabkii laga badbaadiyey laba ilmo oo dhaawac ah, halka labadii kale ay geeriyootay.
Ma cadda weli sababta haweeneydaas ku kaliftay falkaas, balse waxaa ku socda baaritaano, sida ay dadka deegaanku noo sheegeen.
Ciidamo ka tirsan booliska Somaliland ayaa gaaray deegaanka ay dhacdaasi ka dhacday ee Naqdhabiijo, waxayna gacanta ku dhigeen hooyadii geysatay falkaas, welina baaritaankeeda kama soo saarin wax war ah.