Hoggaanka Ahlusuna oo markale dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay afduubatay dhismaha maamulka Galmudug

Muqdisho-Soomaali24-War-saxaafadeed saqdii dhexe ee xalay ka soo baxay xaafiiska madaxa xukuumadda  Maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan kana mid ah Hugaanka Ahlusuna ayaa mar kale lagu cadeeyeyo in Ahlu-Sunna Waljamaaca aysan kaalin ku laheyn geedi socodka dhismaha Maamulka Galmudug.

War-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in dowladda federaalka ay afduubatay dhismihii maamulkaas, dadka reer Galmudugna ay noqdeen kuwo marti ka ah dhismaha maamulkooda, iyadoo  lagu xadgudbay nidaamka federaalka, dastuurka dalka iyo kan Galmudug-ba, isla markaana gabood fallo lagula ka cayo odayaasha dhaqanka Galmudug, sida lagu sheegay qoraalka.

“Maalinba maalinta ka dambeysa waxaa sii kordhaya faquuqa siyaasadeed ee dowladdu kula dhaqmeyso Ahlu-Sunna Waljamaaca iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xaafiiska madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali.

Sidoo kale warkan ayaa lagu sheegay in musharaxiinta Galmudug ay horay go’aan uga soo saareen ka qeyb galka doorasho ay ku sheegeen macmal oo dowladdu ay ugu daneyneyso musharax gaar ah, sida qoraalka lagu yiri.

“Dowladda federaalka waa inay tix galisaa waxgaradka iyo saamileyda siyaasadda Galmudug, taladaas oo ah sidii ay wax ku dhismi lahaayeen Galmudug mid ahna ku dhismi laheyd” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkan.

Leave a Reply