Guddoomiye urur oo lagu dilay magaalada Baydhaba

Magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay waxaa lagu dilay Allaha u naxariistee guddoomiyihii ururka naafada maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya.

Koox hubeysan ayaa marxuum Shariif Mukhtaar Jiis xalay ku dhex toogtay gurigiisa, oo ku yaalla magaalada Baydhabo, iyaga oo dilka kadib goobta isaga baxsaday.

Ma jirto cid sheegi kartay sababta loo dilay marxuumka iyo cidda dishay toona,waxuuna Mukhtaar guddoomiye u ahaa dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

Ciidamada booliska magaalada Baydhaba ayaa goobta gaaray halkaas oo ay ka bilaabeen baaritaano, in kasto aan weli la shaacin cid loo soo qabtay dilka marxuumkaas.

Qaar ka mid ah xildhibaanada iyo wasiirada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Shariif Mukhtaar Jiis oo ahaa guddoomiyihii ururka naafada maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya.

 

Leave a Reply